Muqdisho,Soomaaliya, 17 Agoosto 2026
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, Mudane Dr. Cabdinaafac Axmed, ayaa maanta ka qeyb galay xafladd lagu soo xirayayey duruusta xilliga fasaxa/xaagaga, Ψ§ΩΨ―Ψ±ΩΨ³ Ψ§ΩΨ΅ΩΩΩΨ© oo muddooyinkii u dambeeyay kasocday qaar kamid ah masaajidda ku yaalla degmooyinka Muqdisho iyo deegaannada ku xeeran caasimadda.
Barnaamijkan ayaa fursad u ahaa arday iyo dhallinyaro Soomaaliyeed oo ka faaβiideystay xilliga fasaxa, iyagoo helayay duruus iyo aqoon dheeraad ah. Munaasabadda xiritaanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, xubno kamid ah culimada Soomaaliyeed, macallimiin, waalidiin iyo marti kale.
Agaasimaha Guud ayaa hambalyo iyo bogaadin u jeediyay culimadii iyo macallimiintii waqtigooda u huray waxbaridda ardayda iyo dhallinyarada, isaga oo sheegay in dadaalka noocan ahi uu muhiim u yahay ka faaβiideysiga xilliyada fasaxa iyo kobcinta aqoonta iyo tarbiyadda jiilka Soomaaliyeed.
Dr. Cabdinaafac ayaa sidoo kale bogaadiyay ardaydii ka kala timid degmooyinka iyo deegaannada ku xeeran Muqdisho, gaar ahaan ardaydii kaalmaha sare ka galay imtixaanadii iyo qiimeynta lagu sameeyay, isaga oo ku dhiirrigeliyay inay sii wadaan dadaalkooda waxbarasho, aqoon kororsina ay ka dhigtaan qayb joogto ah oo noloshooda kamid ah.
Duruustan ayaa kusoo beegantay xilli ay goobaha waxbarashada dalka, sida iskuullada, machadyada iyo jaamacaduhu, ku jiraan fasaxii sannadlaha ahaa. Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ayaa dhiirrigelinaysa dadaallada noocan ah, waxayna garab taagan tahay cid kasta oo u istaagta waxbaridda, baridda iyo kor u qaadista Qurβaanka Kariimka ah iyo Sunnada Nabiga (NNKH), si loo kobciyo aqoonta iyo tarbiyadda jiilka Soomaaliyeed
Ministry of Endowments and Islamic Affairs Copyright 2026 - All Rights Reserved
Leave Your Comments