• Martini Street, Hamaweine district
  • Saturday - Thursday 8:00 AM - 16:00 PM

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka oo Shaacisay Qiimaha Adeegga Xajka ee Sanadka 1446H/2025

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka ayaa ku dhawaaqday qiimaha rasmiga ah ee adeegyada Xajka ee sanadka 1446 Hijriyada, kuna beegan 2025 Miladiyada. Qiimaha Xajka sanadkan ayaa ah $4,604 (Afar kun lix boqol iyo afar doollar), kaas oo loogu talagalay daboolidda adeegyada dhammaan xujeyda Soomaaliyeed.

Qiimahan ayaa lagu go’aamiyey kulan ay Muqdisho ku yeesheen Guddiga Adeegga Xajka ee dowladda iyo shirkadaha la aqoonsan yahay ee bixiya adeegyada Xajka. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, Mudane Ibraahim Aadan Nadaara, ayaa sheegay in qiimaha adeegyada uu ka tarjumayo tayeynta iyo horumarinta adeegyada muhiimka ah ee loo qorsheeyey xujeyda sanadkan, oo ay ka mid yihiin:

  • Hoyga xujeyda oo u dhow goobaha barakaysan.
  • Gaadiid casri ah oo fududeynaya socdaalka xujeyda.
  • Cunto tayo leh oo si joogto ah loo heli karo.
  • Adeegyo caafimaad iyo hagis diimeed oo dhamaystiran.

Wasaaradda ayaa sidoo kale shaacisay in xaaji kasta looga baahan yahay inuu bixiyo lacag hormaris ah oo dhan $2,000 si loo xaqiijiyo booskiisa, iyadoo mudnaanta la siinayo dadka soo diiwaangeliya waqti hore.

Qiimahan cusub ayaa ah mid kor u kacay marka loo eego sanadkii hore, kaas oo ahaa $4,434.6, waxaana kordhinta lagu sheegay inay la xiriirto hagaajinta adeegyada iyo daboolidda kharashaadka dheeraadka ah ee ku baxay qorsheyaasha sanadkan.

Diiwaangelinta iyo Shuruudaha Xajka
Dadka doonaya inay sanadkan gutaan waajibaadka Xajka ayaa lagu dhiirrigeliyey inay si degdeg ah isugu diiwaangeliyaan xafiisyada Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, ama shirkadaha la aqoonsan yahay ee bixiya adeegyada Xajka. Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan shuruudaha iyo habraacyada waxaa laga heli karaa xafiisyada rasmiga ah ee Wasaaradda.

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta waxay Alle uga baryeysaa dhammaan xujeyda sanadkan inay waajibaadkooda si nabad ah u gutaan, kuna soo laabtaan dalkooda iyaga oo helay dambi-dhaaf iyo barako.

Wixii Faahfaahin Dheeraad ah:
Fadlan kala xiriir Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ama booqo xafiisyada rasmiga ah ee u qaabilsan adeegyada Xajka.

Alle ha inaga dhigo kuwa Xajkooda ku guuleysta!

Share This:

Leave Your Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Ministry of Endowments and Islamic Affairs Copyright 2026 - All Rights Reserved