MUQDISHO, TALAADO, 1 SEBTEMBAR 2026:
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, Mudane Dr. Cabdinaafac Axmed Cabdullaahi, ayaa maanta Muqdisho ka furay kulan dib-u-eegis iyo ansixin ah oo ku saabsan tarjumaadda Af-Soomaaliga ee βAl-Miizaan: A Covenant for the Earthβ, oo ah dukumenti caalami ah oo soo bandhigaya aragtida Islaamka ee ilaalinta deegaanka, daryeelka khayraadka dabiiciga ah iyo masuuliyadda aadanaha ee dhowrista dhulka.
Kulankan waxaa iska kaashanaya Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka iyo Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, iyadoo taageero farsamo laga helayo Barnaamijka Qaramada Midoobay ee Deegaanka (UNEP).
Furitaanka kulanka, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in bulshada Soomaaliyeed loo gudbiyo faham ku saleysan diinta Islaamka oo ku saabsan ilaalinta deegaanka, maadaama Qurβaanka Kariimka ah iyo Sunnadu ay xoojinayaan masuuliyadda baniβaadamka ee ilaalinta abuurka Alle iyo ka fogaanshaha waxyeellada lagu hayo dhulka.
Al-Miizaan wuxuu isku xirayaa mabaadiβda Islaamka iyo arrimaha deegaanka, isagoo bulshada siinaya faham ku saleysan diinta oo ku saabsan ilaalinta dhulka, biyaha, khayraadka dabiiciga ah iyo deegaanka guud ahaan.
Tarjumaadda Af-Soomaaliga ee dukumentigan ayaa ah tallaabo muhiim ah oo lagu gaarsiinayo fariintiisa bulshada Soomaaliyeed, iyadoo kulanka maanta lagu hubinayo in eray-bixinta, macnaha diineed iyo fariimaha deegaanka si sax ah oo ku habboon Af-Soomaaliga loogu gudbiyo bulshada.
Kulanka waxaa ka qaybgalaya culimo Soomaaliyeed, khubaro deegaanka iyo isbeddelka cimilada, masβuuliyiin dowladeed, lataliyayaal ka tirsan wasaaradaha, aqoonyahanno iyo dhinacyada kale ee ay khusayso, kuwaas oo si wadajir ah uga shaqeynaya dhammaystirka iyo tayeynta dukumentigan.
Ansixinta Al-Miizaan iyo kulankan ayaa muujinaya dadaalka dowladda ee lagu xoojinayo wacyigelinta bulshada, iyadoo la mideynayo fahamka diinta Islaamka iyo masuuliyadda bulshada ee ilaalinta deegaanka iyo khayraadka dalka.
DHAMMAAD.
Ministry of Endowments and Islamic Affairs Copyright 2026 - All Rights Reserved
Leave Your Comments