β Ψ§ΩΨ΅ΩΩ
Ψ§ΩΩ ΩΩ ΩΩΨ¨ Ψ§ΩΨΉΨ§ΩΩ
Ψ§ΩΨ§ΩΨ³ΩΨ§Ω
Ωβ.
Muqdisho ayaa martigelisay, soo dhaweyn heerkeedu sarreeyana u sameysay Sheekh Dr. Maxamed bin Cabdul Kariim Al-Ciisaa, Xoghayaha Guud ee raabidada caalamka Islaamka, ahna Guddoomiyaha Hayβadda Culimada Muslimiinta, oo markii ugu horreysay soo gaaray Soomaaliya kadib casuumaad uu udiray madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalaka ah ee Soomaaliya.
Sheekh Dr. Maxamed bin Cabdul Kariim Al-Ciisaa ayaa markii uu soo gaaray Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, waxaa si rasmi ah u soo dhaweeyay Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, Safiirka Soomaaliya ee Boqortooyada Sacuudiga, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka.
Kadib soo dhaweynta, Sheekh Dr. Maxamed bin Cabdul Kariim Al-Ciisaa ayaa loo galbiyay Masjidka Weyn ee Cali Jimcaale, halkaas oo uu jameecadda masjidka uga akhriyey khudbada jimacaha.
Intaas kadib, Sheekh ayaa kaqeyb galay kulanka Madasha Culimada Soomaaliyeed, oo sanadkan lagu qabtay halku-dhigga βAl-Soomaali Fii Qalbi Al-Caalam Al-Islaami” iyadoo ay ka qeyb galeen xubno kamid ah culimada soomaaliyeed.
Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, oo madasha khudbad dhinacyo badan taabanaysa kajeediyey ayaa soo dhaweeyey Sheekh Dr. Maxamed bin Cabdul Kariim Al-Ciisaa, wasiir sheekh mukhtaar ayaa xusay in si weyn loo sugayay booqashadiisa, isla markaana culimada Soomaaliyeed ay si weyn ugu faraxsan yihiin martigelintiisa iyo ka qeybgalka Madasha Culimada Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn, kalmadda xiritaanka shirka waxaa qaatay Dr. Sheekh Maxamed bin Cabdul Kariim Al-Ciisaa, oo uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhaweynta diirran, isagoo bogaadiyay xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka iyo culimada Soomaaliyeed.
Dr. Al-Ciisaa ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay meel muhiim ah kaga jirto dunida Islaamka, isla markaana si weyn loo bogaadinayo kobaca iyo horumarka dhinaca diinta ee dalka ka socda.
Gabagabadii booqashada, Sheekh ayaa Xarunta looga Arrimiyo Dalka ee Madaxtooyada kulan kula qaatay Madaxweynaha JFS, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Raabidada Caalamka Islaamka mowqifkeeda ku aaddan
, isagoo sidoo kale tilmaamay muhiimadda ay leedahay iskaashi xooggan oo lagaga hortagayo fikradaha xagjirka ah iyo marin-habaabinta dhalinyarada.
Booqashada Sheekh Dr. Maxamed bin Cabdul Kariim Al-Ciisaa ee Soomaaliya iyo Madasha Culimada Soomaaliyeed ayaa loo arkaa fursad lagu xoojinayo xiriirka Soomaaliya iyo hayβadaha waaweyn ee dunida Islaamka, iyadoo Muqdisho ay martigelisay kulan xambaarsan farriin ah in Soomaaliya ay qeyb muhiim ah ka tahay Qalbiga Caalamka Islaamka
Ministry of Endowments and Islamic Affairs Copyright 2026 - All Rights Reserved
Leave Your Comments