MUQDISHO, TALAADO, 18 AGOOSTO 2026.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Cabdinaafac Axmed Cabdullaahi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda, arimaha Diinta iyo dastuurka ee Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari, Mudane Cabdiraxmaan Cabdullaahi.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta iyo taageerada farsamo ee Wasaaradda awqaafta iyo arimaha islaamka federaalka ay u fidinayso Wasaaradda diinta ee Waqooyi Bari, gaar ahaan dhinacyada maamulka, nidaaminta iyo horumarinta howlaha Awqaafta. Wasaaradda awaaafta dalka ayaa sidoo kale la wadaagaysa dhinaca Waqooyi Bari khibradda iyo habraacyada shaqo ee ay u leedahay maareynta howlaha Awqaafta.
Labada Agaasime Guud ayaa isla soo qaaday muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo isku-xirka iyo wada-shaqeynta hay’adaha Awqaafta ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, si loo horumariyo nidaamka maamulka Awqaafta, loo mideeyo habraacyada shaqo, loona xaqiijiyo in adeegyada la xiriira Awqaafta loo maareeyo si hufan oo waafaqsan shuruucda iyo nidaamyada dalka.
Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojinayso taageerada farsamo iyo isku-xirka hay’adaha Awqaafta iyo arumaha islaaka ee heerarka kala duwan ee dowladnimada.
Ministry of Endowments and Islamic Affairs Copyright 2026 - All Rights Reserved
Leave Your Comments