Ankara, Turkey, Jimca, 07 Agoosto 2026
Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay Xarunta Hayβadda Awqaafta ee Jamhuuriyadda Turkiga, halkaas oo uu kulan miro dhal ah kula yeeshay Agaasimaha Guud ee hayβadda, Izzani Turan, iyo Agaasime Ku-xigeenka, Osman Zeki Cakiroglu.
Kulanka waxaa Wasiirka ku weheliyey Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Turkiga, Mudane Fathudiin Cali, iyo xubno ka tirsan wafdiga Wasaaradda. Intii uu socday kulanka, labada dhinac ayaa yeeshay wada-tashi ku saabsan sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Turkiga ee dhinaca awqaafta, iyagoo si gaar ah diiradda u saaray horumarinta maamulka awqaafta, dhismaha hayβadaha, kobcinta awoodda shaqaalaha, iyo isdhaafsiga khibradaha farsamo.
Masβuuliyiinta Hayβadda Awqaafta ee Turkiga ayaa soo bandhigay waayo-aragnimada ay dalkoodu u leeyahay maamulka iyo horumarinta awqaafta, iyagoo muujiyey diyaar garow ay Soomaaliya kula wadaagayaan aqoonta iyo khibradaha gacan ka geysan kara tayeynta hayβadaha awqaafta ee dalka.
Dhankiisa Wasiir Sheekh Mukhtaar, ayaa masβuuliyiinta Hayβadda Awqaafta ee Turkiga la wadaagay mudnaanta weyn ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay siinayso horumarinta awqaafta, isagoo iftiimiyey dib-u-habeynta iyo nidaamyada cusub ee lagu casriyeynayo maamulka awqaafta, si ay door muuqda uga qaadato horumarinta adeegyada bulshada iyo kobcinta dhaqaalaha ku dhisan waqafka. Wasiirku wuxuu carrabka ku adkeeyey in dowladda ay ka goβan tahay dhismaha hannaan hufan oo waafaqsan sharciga iyo maamulka casriga ah, taas oo u baahan iskaashi iyo isdhaafsi khibradeed oo lala yeesho hayβadaha hormuudka ka ah arrimaha awqaafta.
Kulankan ayaa la filayaa inuu gogol xaaro marxalad cusub oo iskaashiga u dhexeeya Muqdisho iyo Ankara ee dhinaca awqaafta, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen rabitaan iyo ka goβnaan ku aaddan hirgelinta barnaamijyo wax ku ool ah oo lagu horumarinayo maamulka awqaafta, tayeynta hayβadaha, iyo kor u qaadista hufnaanta adeegyada la xiriira awqaafta ee Soomaaliya.
Ministry of Endowments and Islamic Affairs Copyright 2026 - All Rights Reserved
Leave Your Comments