• Martini Street, Hamarweine district
  • Saturday - Thursday 8:00 AM - 16:00 PM

π—ͺπ—”π—¦π—œπ—œπ—₯ π—¦π—›π—˜π—˜π—žπ—› π— π—¨π—žπ—›π—§π—”π—”π—₯ π—₯𝗒𝗒𝗕𝗒π—ͺ 𝗒𝗒 𝗧𝗨π—₯π—žπ—œπ—¬π—˜ π—žπ—¨π—Ÿπ—”π—‘ π—žπ—¨π—Ÿπ—” 𝗀𝗔𝗔𝗧𝗔𝗬 𝗠𝗔𝗗𝗔𝗫𝗔 𝗛𝗔𝗬’𝗔𝗗𝗗𝗔 π——π—œπ—¬π—”π—‘π—˜π—§

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha Hay’adda Diyanet ee Jamhuuriyadda Turkiye, Prof. Dr. Safi Arpagus. Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Turkiye, Danjire Fatxudiin Cali Maxamed.

Kulanka ayaa lagu lafaguray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka iyo Hay’adda Diyanet, iyadoo diiradda la saaray horumarinta mashaariicda wadajirka ah ee adeegyada diinta Islaamka.

Labada dhinac ayaa si gaar ah uga wada hadlay taageerada Diyanet ay ka geysaneyso dhismaha iyo tayeynta Sanduuqa Zakada iyo Nidaamka Waqafka, kuwaas oo Wasaaraddu mudnaan gaar ah siineyso si loo xoojiyo adeegyada bulshada iyo horumarinta dhaqaalaha Islaamiga ah.

Wasiir Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa uga mahadceliyey Dowladda Turkiye iyo Hay’adda Diyanet taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin Soomaaliya, isagoo xusay in iskaashigan uu wax weyn ka tari doono horumarinta hay’adaha diinta iyo hirgelinta qorshayaasha Wasaaradda.

Dhankiisa, Madaxweynaha Hay’adda Diyanet, Prof. Dr. Safi Arpagus, ayaa xaqiijiyey sida ay uga go’an tahay sii xoojinta wada shaqeynta kala dhexeysa Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Soomaaliya, isagoo ballanqaaday in Diyanet ay sii wadi doonto taageerada ay siiso barnaamijyada mudnaanta u leh Wasaaradda.

Hoggaanka Wasaaradda ayaa mudnaan siinaya sidii loo heli lahaa iskaashi miro dhal ah oo gacan ka geysta horumarinta adeegyada diinta, kobcinta hay’adaha, iyo hirgelinta barnaamijyo waxtar u leh bulshada Soomaaliyeed.

Share This:

Leave Your Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Ministry of Endowments and Islamic Affairs Copyright 2026 - All Rights Reserved