• Martini Street, Hamarweine district
  • Saturday - Thursday 8:00 AM - 16:00 PM

๐—”๐—š๐—”๐—”๐—ฆ๐—œ๐— ๐—˜ ๐—š๐—จ๐—จ๐—— ๐——๐—ฅ.๐—–๐—”๐—•๐——๐—œ๐—ก๐—”๐—”๐—™๐—”๐—– ๐—ข๐—ข ๐——๐—”๐—”๐—›-๐—™๐—จ๐—ฅ๐—”๐—ฌ ๐—•๐—”๐—ฅ๐—ก๐—”๐—”๐— ๐—œ๐—๐—ž๐—” ๐—ซ๐—”๐—๐—ž๐—” ๐—ฆ๐—”๐—ก๐—”๐——๐—ž๐—” ๐Ÿญ๐Ÿฐ๐Ÿฐ๐Ÿด๐—›, ๐—ฆ๐—œ ๐—ฅ๐—”๐—ฆ๐— ๐—œ ๐—”๐—›๐—ก๐—” ๐—จ ๐—ฆ๐—ข๐—ข ๐—ซ๐—œ๐—ฅ๐—”๐—ฌ ๐—›๐—ข๐—ช๐—Ÿ๐—œ๐—›๐—œ๐—œ ๐—ซ๐—”๐—๐—ž๐—” ๐Ÿญ๐Ÿฐ๐Ÿฐ๐Ÿณ๐—›.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ๐——๐—ฟ.๐—–๐—ฎ๐—ฏ๐—ฑ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐—ฎ๐—ณ๐—ฎ๐—ฐ ๐—ฎ๐˜…๐—บ๐—ฒ๐—ฑ ๐—ฐ๐—ฎ๐—ฏ๐—ฑ๐˜‚๐—น๐—ฎ๐—ฎ๐—ต๐—ถ, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Barnaamijka Xajka ee sannadka 1448 Hijriyada, munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo isku sidkanayd xiritaanka howlihii Xajka ee sannadkii 1447H iyo bilowga qorshaha cusub ee adeegyada Xajka ee sannadkan.
Munaasabadda waxaa ka qayb galay lataliyeyaasha sare ee Wasaaradda, Agaasimayaal Waaxeedyo, culimo iyo mashaa’ikh, Guddiga Qaranka ee Xajka, guddoomiyeyaasha shirkadaha Xamalaadka, iyo marti sharaf kale oo door muhiim ah ku leh maamulka iyo adeegyada Xajka Soomaaliyeed.

Khudbadihii laga jeediyey madasha ayaa si weyn loogu bogaadiyey habkii loo maareeyey howlaha Xajka ee sannadkii 1447H, iyadoo dhammaan madaxdii hadashay ay tilmaameen in nidaamkii ay dejisay Wasaaraddu uu horseeday adeeg hufan oo ay ka marag kaceen kumannaan xujey Soomaaliyeed oo sanadkii tegay gudatay waajibaadka Xajka. Waxay xuseen in wada shaqeynta Wasaaradda, Guddiga Xajka iyo shirkadaha adeegga bixiya ay ahayd tiirkii lagu xaqiijiyey in xujeydu helaan adeeg tayo leh iyo hagitaan joogto ah.

Agaasimaha Guud oo munaasabadda ka jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysay ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay dhammaadka howlihii Xajka ee 1447H, isla markaana daah-furay qorshaha iyo diyaar-garowga Xajka ee 1448H. Wuxuu sheegay in sanadkan Wasaaraddu qaadatay hannaan cusub oo kor u qaadaya isla xisaabtanka, daahfurnaanta iyo ilaalinta xuquuqda xaajiga Soomaaliyeed.
Agaasime guud ๐——๐—ฟ.๐—–๐—ฎ๐—ฏ๐—ฑ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐—ฎ๐—ณ๐—ฎ๐—ฐ ๐—ฎ๐˜…๐—บ๐—ฒ๐—ฑ ayaa shaaciyey in dhammaan howlaha sanadkan lagu fulin doono heshiisyo rasmi ah oo qoraal ah oo dhexmaraya Wasaaradda, shirkadaha Xamalaadka iyo xaajiga, si mas’uuliyadda dhinac kasta ay u noqoto mid cad oo qeexan. Wuxuu tilmaamay in nidaamkan meesha ka saarayo mugdi kasta oo ka dhalan kara adeegyada Xajka, isla markaana haddii ay dhacdo wax qabyo ah ay si fudud u caddaan doonto cidda masuulka ka ah.

Share This:

Leave Your Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Ministry of Endowments and Islamic Affairs Copyright 2026 - All Rights Reserved