Muqdisho,Β 2026 -Kulanka Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo uu guddoomiyay Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr.Xasan Sheekh maxamuud, ayaa lagu ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Heshiis Is-afgarad (MoU) oo u dhexeeya Agaasinka Guud ee Arrimaha Diinta ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Turkiga iyo Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, Wasiir Ku-xigeenka, Wasiiru-dowlaha, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa soo dhaweeyay ansixinta heshiiskaas, iyagoo ku tilmaamay guul muhiim ah oo xoojinaysa iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga ee dhinacyada arrimaha diinta iyo horumarinta adeegyada ay Wasaaraddu u qabato bulshada.
Masβuuliyiinta Wasaaradda ayaa sheegay in heshiiskan uu fursad u abuuri doono labada dhinac inay iska kaashadaan horumarinta aqoonta diinta, tayeynta hayβadaha diinta, is-dhaafsiga khibradaha, iyo fulinta barnaamijyo wadajir ah oo waxtar u leh shacabka Soomaaliyeed.
Ministry of Endowments and Islamic Affairs Copyright 2026 - All Rights Reserved
Leave Your Comments