• Martini Street, Hamarweine district
  • Saturday - Thursday 8:00 AM - 16:00 PM

𝗔𝗀𝗒𝗒𝗑-π—œπ—¦-π—ͺπ—˜π—¬π——π—”π—”π—₯π—¦π—œ π—žπ—¨ 𝗦𝗔𝗔𝗕𝗦𝗔𝗑 π—«π—’π—š-𝗨π—₯𝗨𝗨π—₯π—œπ—‘π—§π—” π—œπ—¬π—’ π—ͺπ—”π—π—œπ—šπ—” π—Ÿπ—”π—•π—”π—”π—— π—˜π—˜ π——π—œπ—œπ—ͺπ—”π—”π—‘π—šπ—˜π—Ÿπ—œπ—‘π—§π—” π——π—¨π—šπ—¦π—œ 𝗀𝗨π—₯𝗔𝗔𝗑𝗑𝗔𝗗𝗔 π—šπ—’π—•π—’π—Ÿπ—žπ—” π—•π—”π—‘π—”π—”π——π—œπ—₯.

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ayaa maanta Muqdisho si rasmi ah uga furtay aqoon-is-weydaarsi ku saabsan xog-ururinta iyo wajiga labaad ee diiwaangelinta Dugsiyada Qur’aanka ee Gobolka Banaadir, kaas oo loo qabtay qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda.
Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ayaa maanta Muqdisho si rasmi ah uga furtay aqoon-is-weydaarsi ku saabsan xog-ururinta iyo wajiga labaad ee diiwaangelinta Dugsiyada Qur’aanka ee Gobolka Banaadir, kaas oo loo qabtay qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda.

Aqoon-is-weydaarsigan waxaa si rasmi ah u furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, Mudane Dr. Cabdinaafac Axmed Cabdullaahi, waxaana soo qabanqaabisay Waaxda Dugsiyada Qur’aanka iyo Macaahida Shareecada ee Wasaaradda.

Aqoon-is-weydaarsiga ayaa looga gol leeyahay in dib-u-habeyn iyo qiimeyn cusub lagu sameeyo xarumaha Dugsiyada Qur’aanka ka hawlgala dalka, gaar ahaan kuwa ku yaalla Muqdisho.

Agaasimaha Waaxda ayaa Agaasimaha Guud warbixin ka siiyay heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray qorshaha xog-ururinta iyo qiimeynta xarumaha, iyo muhiimadda ay leedahay in la helo xog sax ah oo ku saabsan Dugsiyada Qur’aanka iyo Macaahida Shareecada.

Isagoo furayay aqoon-is-weydaarsiga, Agaasimaha Guud Dr. Cabdinaafac ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay dardargelinta iyo hirgelinta qorshahan, isagoo tilmaamay in Wasaaraddu ay muhiimad gaar ah siinayso dib-u-habeynta, qiimeynta iyo xog-ururinta xarumaha waxbarashada Qur’aanka iyo Shareecada.

Agaasimaha Guud ayaa sidoo kale sheegay in Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, uu waqti iyo dadaal badan gelinayo sidii qorshahan loo hirgelin lahaa, si loo helo nidaam xogeed oo la isku halleyn karo, loona fahmo xaaladda xarumaha ka hawlgala dalka.

Aqoon-is-weydaarsigan ayaa sidoo kale diiradda lagu saarayaa habka loo ururinayo xogta iyo nidaamka loo adeegsanayo, iyadoo system-ka xog-ururinta uu bixinayo habraaca lagu shaqeynayo.

Waxaa la filayaa in toddobaadka soo socda si rasmi ah loo bilaabo howlaha xog-ururinta, diiwaangelinta iyo qiimeynta Dugsiyada Qur’aanka, iyadoo howlahaasi ay ka bilaaban doonaan Gobolka Banaadir.

DHAMMAAD.

Share This:

Leave Your Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Ministry of Endowments and Islamic Affairs Copyright 2026 - All Rights Reserved