• Martini Street, Hamarweine district
  • Saturday - Thursday 8:00 AM - 16:00 PM

𝗪𝗔𝗦𝗔𝗔𝗥𝗔𝗗𝗗𝗔 𝗔𝗪𝗤𝗔𝗔𝗙𝗧𝗔 𝗢𝗢 𝗚𝗢𝗟𝗔𝗛𝗔 𝗦𝗛𝗔𝗖𝗔𝗕𝗞𝗔 𝗨 𝗚𝗨𝗗𝗕𝗜𝗦𝗔𝗬 𝗛𝗜𝗡𝗗𝗜𝗦𝗘-𝗦𝗛𝗔𝗥𝗖𝗜𝗬𝗘𝗘𝗗𝗞𝗔 𝗗𝗛𝗜𝗦𝗠𝗔𝗛𝗔 𝗚𝗢𝗟𝗔𝗛𝗔 𝗖𝗨𝗟𝗜𝗠𝗔𝗗𝗔 𝗦𝗢𝗢𝗠𝗔𝗔𝗟𝗜𝗬𝗘𝗘𝗗.

MUQDISHO, ISNIIN, 24 AGOOSTO 2026-

Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Golaha Culimada Soomaaliyeed ayaa maanta loo gudbiyey Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, si uu u maro hannaanka ansixinta dastuuriga ah.

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, SHEEKH MUKHTAAR ROOBOW CALI, oo Golaha Shacabka ka hor jeediyey khudbad ku saabsan Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Golaha Culimada Soomaaliyeed, ayaa dul istaagay muhiimadda ay leedahay in la helo gole qaran oo mideeya Culimada Soomaaliyeed, xoojiya doorkooda bulshada, isla markaana sare u qaada wada-tashiga iyo iskaashiga hay’adaha dowladda iyo Culimada, iyadoo Wasiirka ay wehelinayeen Wasiiru-dowlaha Wasaaradda, Wasiir Ku-xigeenka, Agaasimaha Guud, La-taliyeyaasha iyo qaar ka mid ah Culimada Soomaaliyeed.

Hindise-sharciyeedka ayaa ka kooban saddex cutub iyo 30 qodob, kuwaas oo qeexaya aasaaska sharciyeed, qaab-dhismeedka, waajibaadka iyo shaqooyinka Golaha Culimada Soomaaliyeed. Ujeeddadu waa in la helo hannaan qaran oo leh sharciyad iyo isla-xisaabtan, kana shaqeeya danta dalka, diinta iyo toosinta bulshada.

Geeddi-socodka diyaarinta Hindise-Sharciyeedka ayaa soo maray hannaan wadatashi iyo dib-u-eegis sharci, waxaana ugu dambayn loo gudbiyey Baarlamaanka si uu u maro marxaladda ansixinta dastuuriga ah.
Intii uu Golaha ka hor hadlayey, SHEEKH MUKHTAAR ayaa fadhiga baarlamaanka kasheegay in Golaha Culimada Soomaaliyeed uu door muhiim ah ka qaadan karo xoojinta midnimada Culimada, nabadda iyo dib-u-heshiisiinta, iyo xalinta khilaafaadka bulshada. Waxa kale oo uu xusay in Golaha uu gacan ka geysan karo kor u qaadista wacyigelinta diineed iyo akhlaaqda bulshada, iyo ka hortagga marin-habaabinta diinta iyo afkaaraha xagjirnimada wata.

Ugu dambeyn Wasiirka wasaaradda awqaafta iyo arimaha islaamka JFS ayaa Golaha Shacabka ka codsaday inuu meel mariyo Hindise-Sharciyeedka, isagoo tilmaamay in ansixintiisu ay muhiim u tahay xoojinta doorka Culimada, nabadda iyo wadajirka bulshada Soomaaliyeed, iyo iskaashiga Dowladda iyo Culimada.

𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃
Share This:

Leave Your Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Ministry of Endowments and Islamic Affairs Copyright 2026 - All Rights Reserved