• Martini Street, Hamaweine district
  • Saturday - Thursday 8:00 AM - 16:00 PM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo Si Rasmi ah u Xarig-Jaray Xarunta Cusub ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u xarig-jaray xarunta cusub ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka.

Munaasabadda daah-furka oo ka dhacday xarunta cusub ee wasaaradda ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda iyo marti sharaf kale. Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay horumarinta hay’adaha dowliga ah si loo xoojiyo adeegyada ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Xaruntan cusub ayaa kaalin muhiim ah ka qaadan doonta tayeynta adeegyada diiwaangelinta, sharciyeynta arrimaha guurka, wacyigelinta diinta iyo horumarinta howlaha la xiriira awqaafta.

Daah-furkan ayaa muujinaya dadaalka joogtada ah ee dowladda ee ku aaddan dhismaha iyo casriyeynta hay’adaha qaranka.

Share This:

Leave Your Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Ministry of Endowments and Islamic Affairs Copyright 2026 - All Rights Reserved