• Martini Street, Hamarweine district
  • Saturday - Thursday 8:00 AM - 16:00 PM

π—”π—šπ—”π—”π—¦π—œπ— π—˜ π—šπ—¨π—¨π—— 𝗗π—₯. π—–π—”π—•π——π—œ 𝗑𝗔𝗔𝗙𝗔𝗖 𝗒𝗒 π— π—¨π—€π——π—œπ—¦π—›π—’ π—žπ—” 𝗙𝗨π—₯𝗔𝗬 π—žπ—¨π—Ÿπ—”π—‘ 𝗀𝗔π—₯𝗔𝗑 𝗒𝗒 π—Ÿπ—”π—šπ—¨ π—”π—‘π—¦π—œπ—«π—œπ—‘π—”π—¬π—’ 𝗧𝗔π—₯𝗝𝗨𝗠𝗔𝗔𝗗𝗗𝗔 π—”π—Ÿ-π— π—œπ—œπ—­π—”π—”π—‘.

MUQDISHO, TALAADO, 1 SEBTEMBAR 2026:

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, Mudane Dr. Cabdinaafac Axmed Cabdullaahi, ayaa maanta Muqdisho ka furay kulan dib-u-eegis iyo ansixin ah oo ku saabsan tarjumaadda Af-Soomaaliga ee β€œAl-Miizaan: A Covenant for the Earth”, oo ah dukumenti caalami ah oo soo bandhigaya aragtida Islaamka ee ilaalinta deegaanka, daryeelka khayraadka dabiiciga ah iyo masuuliyadda aadanaha ee dhowrista dhulka.

Kulankan waxaa iska kaashanaya Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka iyo Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, iyadoo taageero farsamo laga helayo Barnaamijka Qaramada Midoobay ee Deegaanka (UNEP).

Furitaanka kulanka, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in bulshada Soomaaliyeed loo gudbiyo faham ku saleysan diinta Islaamka oo ku saabsan ilaalinta deegaanka, maadaama Qur’aanka Kariimka ah iyo Sunnadu ay xoojinayaan masuuliyadda bani’aadamka ee ilaalinta abuurka Alle iyo ka fogaanshaha waxyeellada lagu hayo dhulka.

Al-Miizaan wuxuu isku xirayaa mabaadi’da Islaamka iyo arrimaha deegaanka, isagoo bulshada siinaya faham ku saleysan diinta oo ku saabsan ilaalinta dhulka, biyaha, khayraadka dabiiciga ah iyo deegaanka guud ahaan.

Tarjumaadda Af-Soomaaliga ee dukumentigan ayaa ah tallaabo muhiim ah oo lagu gaarsiinayo fariintiisa bulshada Soomaaliyeed, iyadoo kulanka maanta lagu hubinayo in eray-bixinta, macnaha diineed iyo fariimaha deegaanka si sax ah oo ku habboon Af-Soomaaliga loogu gudbiyo bulshada.

Kulanka waxaa ka qaybgalaya culimo Soomaaliyeed, khubaro deegaanka iyo isbeddelka cimilada, mas’uuliyiin dowladeed, lataliyayaal ka tirsan wasaaradaha, aqoonyahanno iyo dhinacyada kale ee ay khusayso, kuwaas oo si wadajir ah uga shaqeynaya dhammaystirka iyo tayeynta dukumentigan.

Ansixinta Al-Miizaan iyo kulankan ayaa muujinaya dadaalka dowladda ee lagu xoojinayo wacyigelinta bulshada, iyadoo la mideynayo fahamka diinta Islaamka iyo masuuliyadda bulshada ee ilaalinta deegaanka iyo khayraadka dalka.

DHAMMAAD.

Share This:

Leave Your Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Ministry of Endowments and Islamic Affairs Copyright 2026 - All Rights Reserved