• Martini Street, Hamaweine district
  • Saturday - Thursday 8:00 AM - 16:00 PM

Wasaaradda Awqaafta oo Muqdisho ku Qabatay Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed, kaas oo socday muddadii u dhaxeysay 24 illaa 27-ka November 2025.

Shirweynahan oo lagu qabtay Jazeera Palace Hotel ayaa waxaa ka soo qeyb galay boqolaal culimaa’udiin, aqoonyahanno, iyo marti sharaf kale oo ka kala yimid gobollada dalka. Shirku wuxuu ahaa mid si heer sare ah loo soo agaasimay, iyadoo diiradda lagu saaray xoojinta midnimada culimada, wada shaqeynta hay’adaha diinta, iyo doorka ay culimadu ku leeyihiin xasilinta iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed.

Intii uu socday shirweynaha, waxaa la jeediyay muxaadarooyin iyo dood-cilmiyeedyo ku saabsan muhiimadda ay leedahay isku duubnida bulshada, ka hortagga fikradaha xagjirka ah, ilaalinta qiyamka Islaamka, iyo ka qeyb qaadashada dib u dhiska dalka.

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madax ka socotay Wasaaradda Awqaafta ayaa ku adkeeyay in culimadu ay laf-dhabar u yihiin bulshada, isla markaana looga baahan yahay inay hoggaan ka noqdaan wacyigelinta, nabadda, iyo mideynta ummadda.

Gabagabadii shirweynaha, waxaa la isla gartay in la xoojiyo iskaashiga culimada iyo hay’adaha dowladda, lana sii ambaqaado shirarka noocan oo kale ah si loo adkeeyo wadajirka iyo wada tashiga culimada Soomaaliyeed.

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ayaa ballan qaaday in ay sii wadi doonto dadaallada lagu mideynayo culimada iyo xoojinta doorkooda ku aaddan dhismaha qaran xasilloon oo ku dhisan qiyamka Islaamka.

Share This:

Leave Your Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Ministry of Endowments and Islamic Affairs Copyright 2026 - All Rights Reserved