Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay isu-soo-bax ballaaran iyo muxaadaro wacyigelin ah oo ay ka soo qeyb galeen kumannaan ka mid ah bulshada caasimadda.
Munaasabaddan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qeybgalay Sheekh Cabdirashiid Cali Suufi, oo jeediyay muxaadaro qiimo leh oo diiradda lagu saaray ku dhaqanka Qur’aanka Kariimka, xoojinta walaalnimada Islaamka, iyo doorka diintu ku leedahay mideynta bulshada Soomaaliyeed.
Culimaa’udiin kale oo madasha ka hadlay ayaa bulshada ku booriyay adkeynta qiyamka suuban, wada noolaanshaha, iyo ka shaqeynta nabadda iyo xasilloonida dalka, iyagoo ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Qur’aanka laga dhigo hagaha nolosha qofka iyo bulshada.
Isu-soo-baxan ballaaran ayaa muujinaya sida ay shacabka Muqdisho ugu heelan yihiin ka qeybgalka barnaamijyada wacyigelinta diinta iyo kor u qaadista fahamka saxda ah ee Islaamka.
Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ayaa xaqiijisay in ay sii wadi doonto barnaamijyada wacyigelinta iyo kulamada noocan oo kale ah, kuwaas oo lagu xoojinayo midnimada, akhlaaqda suuban iyo wadajirka bulshada Soomaaliyeed.
Ministry of Endowments and Islamic Affairs Copyright 2026 - All Rights Reserved
Leave Your Comments