• Martini Street, Hamarweine district
  • Saturday - Thursday 8:00 AM - 16:00 PM

𝗪𝗔𝗙𝗗𝗜 𝗨𝗨 𝗛𝗢𝗚𝗚𝗔𝗔𝗠𝗜𝗡𝗔𝗬𝗢 𝗪𝗔𝗦𝗜𝗜𝗥 𝗦𝗛𝗘𝗘𝗞𝗛 𝗠𝗨𝗞𝗛𝗧𝗔𝗔𝗥 𝗥𝗢𝗢𝗕𝗢𝗪 𝗢𝗢 𝗚𝗔𝗔𝗥𝗔𝗬 𝗔𝗡𝗞𝗔𝗥𝗔.

Ankara, Turky, 03 Agoosto 2026.

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee JFS, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, ayaa ka degay magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga, isagoo guddoomay martiqaad rasmi ah oo uga yimid hoggaanka sare ee Hay’adda Diyanet-ka Turkiga.

Wafdiga Wasiirka ayaa Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Ankara waxaa ku soo dhaweeyey Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Turkiga, Danjire Fathudin Cali Maxamed, iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan Hay’adda Diyanet. Wafdiga waxaa sidoo kale qeyb ka ah qaar kamid ah La-taliyaha Sare ee wasaaradda.

Socdaalka Wasiirka ayaa billow u ah kulammo heer sare ah oo maanta iyo maalmaha soo socda uu la yeelan doono madaxda sare ee Hay’adda Diyanet-ka Turkiga. Kulamadaas ayaa lagu gorfeyn doonaa xoojinta iskaashiga labada dhinac ee arrimaha diinta, horumarinta adeegyada Xajka iyo Cumrada, maamulka Awqaafta, tababarrada culimada iyo fidinta barnaamijyada ay wadaagaan Soomaaliya iyo Turkiga.

Booqashadan rasmiga ah ayaa qeyb ka ah dadaallada uu Wasiir Sheekh Mukhtaar ku xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga Wasaaradda ay la leedahay hay’adaha caalamiga ah ee bahwadaagta la ah, iyadoo la filayo in kulamada Ankara ay ka soo baxaan is-afgaradyo wax ku ool ah oo kor u qaada iskaashiga labada dhinac.

Share This:

Leave Your Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Ministry of Endowments and Islamic Affairs Copyright 2026 - All Rights Reserved