• Martini Street, Hamarweine district
  • Saturday - Thursday 8:00 AM - 16:00 PM

𝗔𝗚𝗔𝗔𝗦𝗜𝗠𝗘 𝗚𝗨𝗨𝗗 𝗗𝗥.𝗖𝗔𝗕𝗗𝗜𝗡𝗔𝗔𝗙𝗔𝗖 𝗢𝗢 𝗗𝗔𝗔𝗛-𝗙𝗨𝗥𝗔𝗬 𝗕𝗔𝗥𝗡𝗔𝗔𝗠𝗜𝗝𝗞𝗔 𝗫𝗔𝗝𝗞𝗔 𝗦𝗔𝗡𝗔𝗗𝗞𝗔 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛, 𝗦𝗜 𝗥𝗔𝗦𝗠𝗜 𝗔𝗛𝗡𝗔 𝗨 𝗦𝗢𝗢 𝗫𝗜𝗥𝗔𝗬 𝗛𝗢𝗪𝗟𝗜𝗛𝗜𝗜 𝗫𝗔𝗝𝗞𝗔 𝟭𝟰𝟰𝟳𝗛.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka 𝗗𝗿.𝗖𝗮𝗯𝗱𝗶𝗻𝗮𝗮𝗳𝗮𝗰 𝗮𝘅𝗺𝗲𝗱 𝗰𝗮𝗯𝗱𝘂𝗹𝗮𝗮𝗵𝗶, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Barnaamijka Xajka ee sannadka 1448 Hijriyada, munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo isku sidkanayd xiritaanka howlihii Xajka ee sannadkii 1447H iyo bilowga qorshaha cusub ee adeegyada Xajka ee sannadkan.
Munaasabadda waxaa ka qayb galay lataliyeyaasha sare ee Wasaaradda, Agaasimayaal Waaxeedyo, culimo iyo mashaa’ikh, Guddiga Qaranka ee Xajka, guddoomiyeyaasha shirkadaha Xamalaadka, iyo marti sharaf kale oo door muhiim ah ku leh maamulka iyo adeegyada Xajka Soomaaliyeed.

Khudbadihii laga jeediyey madasha ayaa si weyn loogu bogaadiyey habkii loo maareeyey howlaha Xajka ee sannadkii 1447H, iyadoo dhammaan madaxdii hadashay ay tilmaameen in nidaamkii ay dejisay Wasaaraddu uu horseeday adeeg hufan oo ay ka marag kaceen kumannaan xujey Soomaaliyeed oo sanadkii tegay gudatay waajibaadka Xajka. Waxay xuseen in wada shaqeynta Wasaaradda, Guddiga Xajka iyo shirkadaha adeegga bixiya ay ahayd tiirkii lagu xaqiijiyey in xujeydu helaan adeeg tayo leh iyo hagitaan joogto ah.

Agaasimaha Guud oo munaasabadda ka jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysay ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay dhammaadka howlihii Xajka ee 1447H, isla markaana daah-furay qorshaha iyo diyaar-garowga Xajka ee 1448H. Wuxuu sheegay in sanadkan Wasaaraddu qaadatay hannaan cusub oo kor u qaadaya isla xisaabtanka, daahfurnaanta iyo ilaalinta xuquuqda xaajiga Soomaaliyeed.
Agaasime guud 𝗗𝗿.𝗖𝗮𝗯𝗱𝗶𝗻𝗮𝗮𝗳𝗮𝗰 𝗮𝘅𝗺𝗲𝗱 ayaa shaaciyey in dhammaan howlaha sanadkan lagu fulin doono heshiisyo rasmi ah oo qoraal ah oo dhexmaraya Wasaaradda, shirkadaha Xamalaadka iyo xaajiga, si mas’uuliyadda dhinac kasta ay u noqoto mid cad oo qeexan. Wuxuu tilmaamay in nidaamkan meesha ka saarayo mugdi kasta oo ka dhalan kara adeegyada Xajka, isla markaana haddii ay dhacdo wax qabyo ah ay si fudud u caddaan doonto cidda masuulka ka ah.

Share This:

Leave Your Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Ministry of Endowments and Islamic Affairs Copyright 2026 - All Rights Reserved